Gudoomiyaha ururka xabashida ee ANDM oo warfidiyeenka lahadlay ayaa qiray shakigii laga qabay in ay qomiyada Axmaarada iyo Oromadu isu bahaysteen kooxdii isu haysatay in ay wadanka iyagu samaysteen ee TPLF.

Demake Makonen oo ah gudoomiyaha Ururka ANDM ahna gudoomiye kuxigeenka kooxda EPRDF oo shir jaraa’id qabtay ayaa lawaydiiyay sababta uu uga hadhay tartankii adkaa ee uu kula jiray Abiye Axmed si uu u noqdo raysal-wasaaraha cusub ee wadanka Itoobiya.

Demake Makonen oo hada noqonaya raysal-wasaare kuxigeenka koobaad ee wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa kujawaabay waxaan u tanaasulay saaxiibka Abiye Axmed oo aniga iga roon ama iga wanaagsan, isla markaana xalin kara dhibaatooyinka gaamuray ee wadanka kajira ayuu yidhi Demake Makonen.

Hadalka kasoo yeedhay ninka noqonaya raysal-wasaare kuxigeenka xukuumada wayaanaha ayaa muujinaya is xulufaysiga wayn ee u dhaxeeya qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada kuwaas oo heshiis ku ah in ay meesha kasaaraan kooxda dhiiga shacabka kunaaxday ee TPLF.

Demake Makonen oo tartan xoogan kula jiray Abiye Axmed ayaa xiliyadii ugu dambaysay tartanka iskaga hadhay isaga oo cododkiisii siiyay Abiye Axmed, taas oo cadaynaysa heshiiska hoose ee kadhaxeeya siyaasiyiinta labada qoomiyadood ee Axmaarada iyo Oromada oo si isku mid ah uga soo horjeeda xukunka madhalayska ah ee qoomiyada Tigreega.

Qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo iyaga laftoodu ay udhaxayso xurguf hoose oo dhinaca talada wadanka ah ayaa hada umuuqda in ay muquuniyeen kooxdii Tigreega ahayd, hase yeeshee waxaan lahubin in ay kuheshiiyeen qorshe dhaxal gal ah oo wadanka lagu siimaamuli karo iyo inkale.

Nin kafaalooda arimaha siyaasada ee Itoobiya, oo Wakaalada Wararka Ogadenia ee (ONA) uwaramay ayaa sheegay in qoomiyadaha Oromada iyo Axmaaradu ay kumidaysan yihiin oo kaliya riditaanka kooxda TPLF, iyaga oo aan wax qorshe ah samaysanin taas oo keeni doonta in ay iyagu iska horyimaadaan qoortana isla galaan mustaqbalka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay