Maxkamad ku taal magaalada Perugia ee wadanka Talyaaniga ayaa u xukuntay lacag gaaraysa afar milyan oo doolar oo magdhwo ah Xaashi Cumar Xasan oo ah nin Soomaali ah oo muddo 17 sano dalkaasi ugu xidhnaa dambi aanu galin oo ah dil laba saxafi oo Talyaani ah loogu gaystey magaalada Muqdishu sanadkii 1994-kii.

Xaashi Cumar ayaa bishii October ee sanadkii 2016-kii laga siidaayey xabsiga ka dib markii lagu waayey dambigii loo haystey, iyadoo la qiray in uu ahaa xabsi galin aan sharci ahayn, taasi oo keentay in maxkamaddu ku xukuntay dawladda Talyaaniga siiso 3, 0181000 (Sadex milyan boqol sideetan iyo kow kun) oo lacagta Euro-da una dhiganta afar milyan oo doolar.

Xaashi Cumar oo wareysi gaar ah BBC da siiyey wuxuu sheegay in aanu qaadin lacagtaasi isla markaana uu xaq u leeyahay intaasi in ka badan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay