Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidanka wayaanuhu ay kabilaabeen xasuuq baahsan oo iyagoon geed ugusoo gabanin ay ugaysanayaan dadka shacabka ah ee u dhashay qoomiyada Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka wayaanaha gaar ahaan kuwa awooda badan lasiiyay ee Agaziga looyaqaano ayaa guud ahaan Gobolka Axmaarada kabilaabay dhaq dhaqaaq ay dadka shacabka ah kucabudhinayaan si ay ugu tolaan maamulka madhalayska ah ee wayaanaha, isla markaana u ogolaysiiyaan xukunka dag daga ah ee wadanka saaran.

Askari katirsan ciidanka wayaanaha oo udhashay qoomiyada Tigreega ayaa lasheegayaa in uu bam gacmeed kutuuray goob fagaare ah oo dad badani ay joogeen, halkaas oo sida lasheegayo ay kadhalatay dhimasho iyo dhaawac aad ubadan, waxaana lagu soo waramayaa in dadka uu dhibku soo gaadhay ay ubadnaayeen dumar iyo ciyaal.

Falkan foosha xun ayaa lasheegayaa in uu kadhacay magaalada Daguma ee Gobolka Gonder, halkaas oo kamid ah goobaha ay kacdoon wadayaashu ugu xoog badan yihiin, isla markaana shacabku ay siwayn uga soo horjeedaan xukuumada wayaanaha.

Ciidanka ka amarqaata waxa looyaqaano Common Post ee talada wadanka haya ayaa lasheegayaa in ay xabsiyada Gobolka Axmaarada u dhaadhiciyeen kumanaan shacab ah tan iyo markuu uu bilowday xukunka dag daga ah ee sida xaaraanta ah wadanka loogu soorogay, waxaana lasheegayaa tiro kale oo badan in lalaayay.

Dadka shacabka ah ee kudhaqan magaalada Daguma iyo nawaaxigeeda ayaa lasheegayaa in ay bilaabeen kacdoon adag oo ay kaga soo horjeedaan falkii foosha xumaa ee askarigu uu kulaayay dadka shacabka ah ee faraha badan.

Dhinaca kale ciidanka Common Post ee kusugan Gobolka OMO ee koonfurta Itoobiya ayaa sheegaya in dhibaatooyin kala duwan kuhayaan dadka shacabka ah ee deegaanka gaar ahaa dhalinyarada oo xiliyada habeenkii ah lala baxo isla markaana loogaysto dil iyo jidh-dil aad uba’an.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay