Wasiirka difaaca dalka Israa`iil Avigdor Lieberman ayaa diiday in baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo dilkii ugu yaraan 15 Falastiiniyiin ah oo Jimcihii lagu xasuuqay Gaza.

Isagoo la hadlayay raadiyaha ciidamada Israa`iil ayuu Lieberman sheegay in ciidamada Israa`iil ay sameeyeen wixii lagama maarmaanka ahaa sidaas darteedna aan la aqbali karin in wax baadhitaan ah lagu sameeyo gumaadkii loo gaystay shacabka ree Falastiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay (QM) Antonio Guterres iyo madaxa siyaasadda Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa ku baaqay baadhitaan madax banaan oo lagu sameeyo dhacdadaasi, oo sidoo kale boqolaal kalana lagu dhaawacay.

Militariga Israa`iil ayaa sheegay in ugu yaraan toban ka tirsan dadkii dhintay ay ahaayeen waxa ay ugu yeedhaan argagixisada, iyagoo markii la dilayay ku guda jiray falal argagixisonimo ah waa sida ay hadalka u dhigeen e. Xamaas oo gacanta ku haysa Gaza, ayaa sheegtay in shan ka tirsan dadkaas ay xubno ka ahaayeen garabkeeda hubeysan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay