Kadib kacdoomadii shacabka ee wadanka Gumaysiga Itoobiya mudada dheer kasocday waxaa xukuumada wayaanaha lagu qasbay in ay katanaasusho qaybo kamid ah dhaqankii qalafsanaa ee xukuumadihii hore ee wayaanuhu ay kudhaqmi jireen.

Habeenimadii xalay ayaa markii ugu horaysay taariikhda talefeeshinka gumaysiga lagu qabtay dood furan oo ay kasoo qayb galeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee wadanka gumaysiga, waxayna shacabku hal mar ah arkeen xisbi kusheegyo aan wadanka hadal kulahaan jirin oo dood adag looqabtay.

Siyaasiyiin katirsan xisbi kusheegyada Blue Party iyo OFC ayaa xalay markii ugu horaysay soo fadhiistay Talafeeshinka Gumaysiga iyagoo dhaliishooda iyo talooyinkoodaba si furan udhiibtay.

Labo sano kahor ayay ahayd markii shacabka lagumaysto ee Itoobiya ay dhigeen dibad baxyadii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeedo taliska wayaanaha, kaas oo xukuumada wayaanuhu ay utaag wayday in ay joojiso, waana arinta furfurka kukeentay siyaasada Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa markii ugu horaysay gudaha wadanka Itoobiya si xor ah looga daawaday TV-ga mucaaradka Oromadu ay leeyihiin ee OMN, kaas oo taliska wayaanuhu uu kaxidhay hawada Itoobiya, waxayna shacabka habeenimadii xalay kudaawanayeen meelo shaaric ah.

Dhinaca kale aqoonyahano udhashay qoomiyada talada gacanteeda laga siibixinayo ee Tigreega oo dood looqabtay ayaa sheegay in shacabka Tigreegu aysan intooda badan ku farax sanayn magacaabista ninka Oromada ah ee Abiye Axmed.

Burburka rajiimkii xooga badnaan jiray ee Itoobiya ka arimin jiray ayaa keenay in mucaaradku ay si xor ah uhadlaan, waxaana muuqata in halgankii ay galeen shacabka lagumaysto laga gaadhay guulo wax ku ool ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay