Kadib markii uu fashil ku dhamaadey kulankii Xildhibaanadu ee shalay ay ku yeelan lahaayeen xaruntooda sababo la isku khilaafsan yahay darteed, ayaa waxa socda shirar kala duwan oo looga hadlayo wixii ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha u saraysa ee AMISOM ayaa soo dhexgalay murankii baajiyey fadhigii baarlamaanka, waxaana sarkaalka u sareeya AMISOM Paul Lokech uu kulan la qaatey Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo ku-xigeenkiisa 2aad Mahad Cawad, waxaana ay u sheegeen in ay ka xun yihiin wixii dhacay, haddana ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan amniga Golaha Shacabka.

Waxaa ka dhacay Villa Somalia shir saddex geesood ah, kulankan ayaa u dhexeeya saraakiisha u sareeya ciidanka qalabka sida, AMISOM iyo Farmaajo, kulankan ayaa la aaminsan yahay in looga hadlay wixii dhacay iyo sida amniga AMISOM ula wareegi lahayd gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka

Cabdiweli Ibraahim Muudey ku-xigeenka 1aad ee shir guddoonka golaha shacabka ayaa la hadley saxaafadda, waxaana uu baaq u direy Beesha Caalamka isaga oo dacweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu sheegay in isaga iyo kuxigeenkiisa 2aad ay ku kaceen wax sharciga ka baxsan. Muudey ayaa sidoo kale baaq u direy Madaxweynaha waxaana uu ka dalbadey in uu tallaabo qaado oo uu dib u fiiriyo xaalada.

Waxaa lagu wada in Afhayeenka Baarlaanka Jawaari uu qabto shir uu ku faahfaahinayo wixii maanta dhacay. Xarunta Golaha Shacabka waxaa ilaalo ka haya dabaabadaha AMISOM iyo ciidamada ka socda Midowga Afrika, ma muuqdo kulan dhacaya maanta.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay