Haweenay hubeysan ayaa weerar ay ku qaaday xarunta shirkada weyn ee Youtube ku dhaawacday sadex qof.

Booliiska ayaa xaqiijiyey in haweenayda weerarka geysatay ay markii danbe gacanteeda isku dishay, kahor intaan ciidanka goobta soo gaadhin. Weerarkan ayaa lagu dhaawacay sadex qof oo labo kamid ah uu dhaawac culus soo gaaray.

Illaa iyo hada macada sababta weerarkan ka danbeysay, balse booliiska ayaa tuhunsan in falkan uu ahaa dagaal u dhaxeeyey haweenayda weerarka qaaday iyo shaqsiyaadka dhaawaca soo gaaray, iyagoo aan weli faah faahin baaritaanka socda.

Dhacdadan ayaa argagax ku riday shaqaalaha ka shaqeeya xarunta Youtube oo ku taal magaalada San Bruno ee gobalka California, dalka Maraykanka.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay