Shir ay ka qeyb galeen in ka badan 40 wadan iyo hay’ado caalami ah oo Talaadadii ka dhacay magaalada Geneva ayaa dhaqaale badan oo gargaar ah loogu deeqay wadanka Yemen.

Dhaqaalahan ayaa loogu talo galay arrimaha gargaarka iyo mucaawinada malaayiinta shacabka ah ee ree Yemen ee dhibaatadu ay kasoo gaadhay dagaalka culus ee wadankaasi ka socday sanadihii lasoo dhaafay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka qeyb galay shirkan ayaa si weyn usoo dhaweeyey lacagtan loo aruuriyey dalka Yemen, isagoona sheegay in Beesha Caalamka ay xil weyn ka saaran tahay sidii loogu gurman lahaa shacabka Yemen.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen UN-ka, Switzerland iyo Sweden ayaa ah kii labaad oo lacag loogu aruurinayo wadanka Yemen, sanadkii hore ayaa sidan dhaqaale gaaraya 1.2 bilyan loogu deeqay dalkaasi.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay