Jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Yamen ayaa isugu timaday maanta kulankoodii caadiga ahaa kaasoo ay isugu yimaadaan todobaadki maalinta jimcaha ah, kulan oo ahaa mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana sidii caadada inoo ahayd lagu fur furay wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariim ka ah oo uu soo jeediyay fadiilatu sheekh Ahmed.

Shirka ayaa waxaa lagu doortay maamul cusub waxaana furay shirka Hogaanka Abaabulka & Arimaha Bulshada Jaaliyada Ogadeniya ee yamen Mudane Farxaan Colhaye wuxuuna ka war bixiyay ahmiyada ay lee dahay isku xidhnaanta bulshada iyo abaabulka wuxuuna si aad uga hadlay waajibaadka qadiyadeed ee cid walba saaran inuu u guto siday tahay naf, dhiig, iyo dhaqaale na uu u huro shacabka Soomaalida Ogaadeniya.

Shirkan waxaa khadka Taleefanka kaga qayb galay Gudoomiyaha Hogaanka Abaabulka & Arimaha Jaaliyaadka JWXO Mudane Mohamed Rashiid Sheekh Abdulaahi wuxuuna xubnaha usoo jeediyay qudbad aad u qiimo badan oo uu kaga xog waramayay xaalada guud ee gumaysiga Itoobiya, sidoo kale wuxuu ka waramay arimaha looga fadhiyo shacabka Ogaadeniya ee ah inay xiligan u diyaar garoobaan in gumaysiga gabalkiisii dhacay ee TPLF ay heer yadiisa iska dul qaadaan sidoo kale ay cadawga u midoobaan oo hal meel uga soo wada jeed sadaan.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay xubno kamida gudiga cusub ee jaaliyaadka, waxaa ugu danbayn soo afmeeray hogaanka warfaafinta jaaliyada Ogaadeniya Yamen wuxuuna shirku kusoo dhamaaday si guula ah.

ONA/Sanca.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay