Park Geun-hye oo horey Madaxweyne uga soo noqotay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah kadib markii maxkamadu ku heshay dambiyo la xidhiidha musuq maasuq iyo ku takrifal awooda dowlada.

Ms. Park ayaa xilka laga qaaday bilowgii sanadkii hore 2017 kadib markii Baarlamaanka dalkaasi uu ogolaaday in xilka laga qaado, waxaana lagu heystaa in ay lacago laaluush ah ka qaadatay shirkado dalkaasi ku yaal oo ay kamid tahay shirkada weyn ee Samsung.

Maxkamada oo shalay ku dhawaaqday go’aanka dacwadan oo dhageysigeeda socotay bilihii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale ku xukuntay Ms.Park lacag ganaax ah oo gaadhaysa 16 milyan oo dollar. Madaxweynihii hore ayaa iyadu diiday inay maxkamada timaado, isla markaana qaadacday inay timaado Maxkamada xiliyada dhageysiga dacwada lagu soo oogay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay