Waxaa mar kale bilowday banaanbax balaadhan oo ay samaynayaan shacabka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza, kuwaasi oo doonaya in ay dib ugu noqdaan dhulkooda ay xooga ku qaadatay Israel.

Jumcadii hore oo uu dhacay banaanbixii ugu horeeyey ayaa waxaa ku dhintay 18 qof kadib markii ay ciidamada Israel rasaas ku fureen dad rayid ah oo aan hubeysneyn oo ka qeyb qaadanayay banaanbaxa oo ka dhacay halka xuduuda u ah dhulka Gaza ee Xamaas maamusho iyo dhulka ay ka taliso Israel.

Ciidamada Israel ayaa Jimcadii hore sidoo kale dhaawacay in ka badan 1.600 qof oo kamid ahaa Falastiiniyiinta mudaharaadayey. Waxaa la filayaa in Falastiiniyiinta ay sii xoogeystaan, waxaana jirta cabsi ah in mar kale dad rayid ah ku dhintaan rasaasta ay ciidamada Israel la beegsadaan dadka aan hubeysnayn.

Dalalka Caalamka qaarkood ayaa cambaareeyay dilka ciidamada Israel u gaysteen dadka banaanbaxa dhigaya, waxaana kamid ahaa madaxdii caalamka ee sida adag u cambaareeyey Israel, Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo ku sheegay Israel argagaxiso xasuuq ku haya shacabka Falastiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay