Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu soo shaac baxay looltan adag oo u dhaxeeya saraakiisha kooxda TPLF iyo ninka cusub ee loomagacaabay Raysal-wasaaraha Abiye Axmed.

Sida xogta aan kuhelayno Abiye Axmed ayaa bilaabay difaac adag oo uu kagalo kooxda TPLF kuwaas oo iyaguna halgan dheer ugu jira sidii ay u fashilin lahaayeen talaabo kasta oo uu qaado ninka cusub ee lagu matatariyay Raysal-wasaaraha wadanka gumaysiga Itoobiya.

Abiye Axmed oo u muuqda mid siwayn isaga fogeeyay siyaasiyiinta kooxda TPLF ayaa lasheegayaa in uu booqashadiisii Jigjiga uu kutagay kareebay dhamaan saraakiisha udhashay qoomiyada Tigreega, waxaana lasheegayaa in uu waftiga intooda badan kadhigay xubno udhashay qoomiyada Oromada ee uu kasoo jeedo.

Saraakiisha lasocotay Abiye Axmed oo sida lasheegay isugu jiray wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale ayaa lasheegay in ay kasoo kala jeedeen Oromo, Axmaaro iyo waliba shucuubta koonfureed, waxaana lasheegay in waftiga Abiye Axmed uu kujiray Lama Magarsa oo ah horjoogaha Gobolka Oromada ee Gumaysiga.

Abiya Axmed ayaa lasheegayaa in qoomiyadii qorshayaasha wadanka soo alifi jirtay uu kareebay waftigii balaadhnaa ee uraacay magaalada Jigjiga ee wadanka Ogadenia, socdaal kaas oo sida lasheegayo ah mid shacabka Soomaalida lagu marin habaabin doono.

Dhinaca kale Abiye Axmed ayaa lasheegayaa in uu durba kala kulmay dhinaca saraakiisha ciidamada hogaamisa, waxaana lasheegayaa in ay saraakiishu diideen in aywax talo ama tusaale ah ka qaataan ninkan cusub ee loomagacaabay Raysal-wasaaraha gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay