Wararka Suuriya ka imanaya ayaa sheegaya in goob ay gacanta ku hayaan falaagadu oo u dhaw magaalada Dimishiq lagu weeraray hub kiimiko ah.

Urur gargaarka ka shaqeeya oo la yidhaahdo Syrian American Medical Society ayaa sheegay in dhakhaatiirta jooga magaalada Duuma ay daweynayeen bukaan la il daran dhibaatooyin caafimaad oo ay ka qaadeen sunta Chlorine oo ay neefsadeen. Hase yeeshee dawlada Suuriya way beenisay in ay gaysatay weerar noocaas ah.

Wararku waxa kale oo ay tibaaxayaan in maalintii 2aad ay duqaymo cirka ahi mar kale ku bilaabmeen magaalada Duuma. Waxaana la sheegayaa in lagu dilay tobanaan qof oo rayid ah. Dhanka kalana ugu yaraan todoba qof ayaa sida la sheegay ku dhintay duqayn ay falaagadu la beegsadeen goobo rayid ku nool yihiin oo ku dhaw Dimishiq.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay