Maanta oo Isniin ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 9/4/18 waxaa kulan koodii ugu horeeyay isugu yimid xubnaha farac cusub oo kamid noqon doona furuucda Jaaliyaadka Soomaalida Ogadenia, kaas oo laga aas’aasay wadanka Jarmalka.

Magaalada Nurnberg ee dalka Germany ayaa laga aas’aasay faricii ugu dambeeyay ee Jaaliyaadka Ogadenia ee aduunka kaas oo lagu wado in uu howlaha halganka ee balaadhan dhankiisa kaqaban doono.

Xunbaha faraca iyo mas’uuliyiinta cusub ee faracu uu yeeshay ayaa kawada hadlay sidii shaqada halganka loo dar dar galin lahaa isla markaana loojoogtayn lahaa shirarka faraca si shaqooyinka culus ee faraca uyaala looqabto.

Faraca cusub ee wadanka Jarmalka laga abuuray ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee kusoo biira furuucda badan ee Jaaliyada dibada ee Soomaalida Ogadenia, taas oo utaagan xoraynta shacabka dulman ee Soomaalida Ogadenia.

Dhinaca kale Jaaliyada Balaadhan ee ree Ogadenia ee wadanka Germany ayaa sidiiran usoo dhawaysay faraca cusub ee kusoo biiray jaaliyada Ogadenia ee Germany. Sidoo kale hogaanka iyo howlwadeenka warfaafinta Ogadenia ayaa si wayn usoo dhaweeyay faraca cusub ee howlaha halganka kusoo biiray.

ONA Germany.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay