Xukuumada Israel ayaa cambaareyn kala kulmay hay’adaha xaquuqul insaanka dilka ciidamada Israel u geysanayaan shacabka kacdoonka ka wada marinka Gaza oo todobaadkii 2aad banaanbaxyo ka dhigay xaduuda Gaza iyo dhulka la heysto.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey markale ciidamada Israel toogasho ku dileen in ka badan 10 qof oo aan hubeyneyn oo ka qeyb qaadanayey mudaharaadka ka dhacay waqooyiga Gaza, waxaana dadkaasi la dilay kamid ahaa suxufi reer Falastiin.

Wasiirka Difaaca Israel Avigdor Liberman oo kamid ah xagjirka Yuhuuda ayaa u hambalyeeyey ciidamadooda tilaabooyinka ay ka qaadeen Falastiiniyiinta mudaharaadka ka wada Gaza, isagoo ku tilmaamay shacabka reer Falastiin ee mudaharaadka dhigaya argagaxiso.

Xeer illaaliyaha Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada Dagaal ICC ee fadhigeedu yahay The Hague ee dalka Holland, ayaa sheegtay inay baadhitaan ku wadaan falalka iyo danbiyada ka dhanka ah shacabka reer Falastiin.

Maamulka Falastiina ayaa horey Maxkamada Caalamiga ah ee ICC u dhigay dacwad ka dhan ah Israel danbiyada ay ka geysato dhulka Falastiin ee la heysto. Xeer Illaaliyaha ICC, Fatou Bensoud ayaa sheegtay in horey uu socday baadhitaan lagu wado danbiyada ka dhaca dhulka la heysto ee Falastiin, isla markaana falalkii dhacay labadii todobaad ee lasoo dhaafay ee ugu danbeeyey ay sidoo kale isha ku hayaan oo ay ku darsan doonto baaritaanka uu xafiiskeeda wado.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay