Ugu yaraan 257 qof ayaa ku geeriyooday kadib markii diyaarad ay la socdeen ay burburtey hawada dalka Aljeeriya. Diyaaradan ayaa nooceedu ahaa kuwa ciidamada waxaana ay ku burburtay magaalada Boufarik sida ay ku waramayso warbaahinta dalka Al-jeeriya.

Diyaarada ayaa nooceedu ahaa kuwii la sameeyey xiligii Sofiyeetka Il-76 , waxay ku jeeday magaalada Bacher ee Koonfur Galbeed Aljeeriya. Magaalada ay diyaaradan ku burburtay ee Boufarik ayaa ku taala Waqooyiga Aljeeriya waxaana ay aad ugu dhaw dahay Caasimada Aljeris. Diyaradda waxaa la socday 247 qof oo ka tirsanaa ciidanka iyo 10 shaqaale ah.

Shilalka diyaaradaha ayaa ku badan dalka Aljeeriya, gaar ahaan diyaaradaha ciidamada. Bishii Feberaayo 2014 waxaa shil diyaaradeed ku geeriyooday dad ka badan 100 qof, Bishii Juun 2003 waxaa isla meelaha hadda diyaaraddu ku burburtay ee Boufarik shil ku gashey diyaarad kale oo cidanku lahaa taas oo ay ku geeriyoodeen 17 qof.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay