Gudoomiyaha Hogaanka Arimaha Dibada JWXO Mudane Abdirahmaan Sheekh Mahdi Maadeey ayaa wuxuu ka Qayb galay maalinta Caalamiga ah ee saxaafada maalintan ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Umbria ee wadanka Talyaaniga shirkan ayaa waxaa afka qalaad lagu dhahaa International Journalsm Festival (IJF).

Abdirahmaan Sheekh Mahdi ayaa wuxuu aad uga hadlay xaalada guud ee Afrika gaar ahaan Itoobiya  dhinaca  macaawimooyinka Itoobiya la siiyo sida ay wax tar u leedahay & Saxaafada gaar ahaana xaalada gumaysiga Itoobiya iyo cabudhinta ay ku hayaan dhinaca Saxaafada.

Shirkan oo ahaa kulankii ugu waynaa taniyo 2017ka ee lagu qabtay Europe ayaa waxa uu socday mudo 4 bari ah waxaana la qabtay sidan oo kale 287 shir oo noocan ah kale ah ayadoo ay ka hadleen in ka badan 693 xubnood intii mudo ahayd ee shirka lasoo qabtay.

Abdirahmaan Mahdi oo ah Madaxwayne ku xigeenka ururka UNPO sidoo kale kamid ah Aas aasayaashii JWXO isla markaana ah xubin sare oo kamida masuuliyiinta JWXO ayaa si maamuusleh wuxuu kaga waramay xaalada guud ee Afrika gaar ahaana gumaysiga Itoobiya iyo dhinaca saxaafad.

Mudane Abdirahmaan ayaa waxaan idiin soo gudbinay qaar kamida hadaladiisii waxaana uu jeediyay qudbadan hoose.

Hoos ka dhagayso.

https://www.journalismfestival.com/speaker/abdirahman-

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay