Xog rasmi ah oo soo gaadhay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in taliska wayaanuhu uu Malaayiin Doller kubixinayo mashaariic shacabka Tigreega lagu dajinayo, iyadoo ay jiraan malaayiin qof oo kutabaalaysan guud ahaan wadanka Itoobiya.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa sheegay in uu magaalada Maqale ee Gobolka Tigreega kafulin doono mashruuc ay kubaxayso 8 malyuun oo bir oo dowlada Shiinuhu ay amaahisay xukuumada wayaanaha, wuxuuna talisku sheegay in biyo galin laga samayn doono magaalada Maqale.

Sida aan lawada socono waxaa biyo la’aan looga kala cararay magaalada Addis Ababa oo ay kunool yihiin 7 ilaa 8 Malyan oo dad ah, kuwaas oo sida la ogyahay aan helin biyo nadiif ah isla markaana lacag aad ubadan ku iibsada biyaha yar ee ay helaan.

Magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sanadihii lasoo dhaafay ahayd biyo la’aan waxaana lasheegayaa in xukuumada wayaanuhu ay dhowr jeer musuq maasuqday lacago deeq ah oo loogu tala galay in magaalada lagu biyo galiyo.

Arinta layaabka leh ayaa ah in xukuumada wayaanuhu ay Maqale kubixiso lacagta intaas dhan iyadoo aysan kajirin wax biyo la’aan ah oo kajirta Maqale horaana uhaysatay naas nuujis aad ubadan.

Hase yeeshee dad xog ogaal ah ayaa sheegaya in xukuumada wayaanuhu ay mashruucan biyo galinta ah kudajinayso qoomiyada taladii wadanka laga sii faro maroojin rabo ee Tigreega, waxaana lasheegayaa in mashaariic kale oo qoomiyada Tigreega beer nugayl lagaga raadinayo laga fulin doono Gobolka Tigrey.

Hay’adaha sama falka ayaa sheegaya in kabadan 8 malyan oo ciyaal ah oo kutabaalaysan guud ahaan wadanka Itoobiya gaar ahaan wadanka lagumaysto ee Ogadenia, kuwaas oo aan haysan wax gargaar bini aadam nimo ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay