Wararka naga soo gaadhaya magaalada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ciidamada dhaqanka xun ee gumaysigu ay masjid kuyaala magaalada kala baxeen Sheekh caan ah oo kamid ah culimada magaalada Wardheer, kaas oo sida lasheegayo aad loojidh dilay.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka gumaysiga Itoobiya ee magaalada Wardheer ayaa weerar kuqaaday masaajid kuyaala magaalada Wardheer, halkaas oo ay kala baxeen caalim qur’aan ruug ah oo waayeel ah kaas oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Rabiic Macalim Maxamed.

Sheekh Axmed Rabiic ayaa mudo 40 sano kudhaw magaalada wardheer ka akhrinayay tafsiirka qur’aanka kariimka ah, wuxuuna ahaa nin waayeel ah oo caalim ah oo dadka barijiray qur’aanka isla markaana akhrin jiray tafsiirka qur’aanka kariimka ah.

Lama garanayo sababta keentay in laxidho sheekha hase yeeshee waxaa jirta in xukuumada wayaanaha iyo kuwa ay ku adeegataba ay cadaadis wayn kuhayeen diinta islaamka iyo dadka dadka baraba.

Dhinaca kale roobab lixaad leh oo ka da’ay wadanka Ogadenia ayaa lasheegayaa in ay gaysteen khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh waxaana lasoo tabinayaa geerida dad badan oo shacabka Soomaalida Ogadenia ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in roobab mahiigaan ah oo magaalada Jigjiga kada’ay ay dileen dad badan oo shacab ah waxaana maydkooda lahelay 7 qof oo shacab ah kuwaas oo saaraa baabuur ay kusafrayeen.

Ugu yaraan 6 baabuur ayaa lasheegayaa in ay biyuhu gadiyeen kuwaas oo ay kudhinteen dad badan oo saaraa sidoo kalana waxaa jira dad kale oo biyuhu ay kudileen magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeed, sidoo kale majiro wax gar gaar bini’aadam nimo ah oo ay heleen dadkaasu.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.