Shalay oo ay Tariikhdu ku beeg nayd 14/04/2018 waxa kulan balaadhan lagu qabtay magaalada Nürnburg ee Dalka Germany kulan kaas oo lagaga hadlaayay Xaalada Gumaysiga Itoobiya uu hada ku sugan yahay iyo Qoxootiga kasoo qaxay gumaysiga Itoobiya kaasoo xooga ku haysta shucuubaha ku hoos nool oo hada noqday Qoxootiga sadexaad ee Magalada Nürnberg ugu tirada badan

Shirkan waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin dawladeed kuwa haayado oo caalami ah iyo haayadaha xuquuqul insaanka waxaana kamid ahaa dadkii kasoo qayb galay, Ulrich Delius- Uqaabilsanaha Dalka Germany dadka laga tira badan yahay, Mulugetha, Hoganka Arimaha Bulshada ee Magalada Berlin, Angelika Weikert Xubin katirsan Xisbiga Mucaaradka Dalka Germany ee SPD, Manfred Lenke Uqaabilsanaha Guryo dajinta dadka Qoxootiga ah, Falleke Bahiru Hoganka OMN Dalka Germany, Mrs.Tangermann- Looyarad ku xeel dheer arimaha Qoxootiga khaasatana dadka gumaysiga Itoobiya kasoo qaxa.

Shirkan waxaa ugu horayn warbixin laga dhagaystay gudomiyaha Ururka Dhalinyarada Oromiya United Oromo Students in Europe (UOSE) isago kusoo bandhigay dadka Oromadu Halka ay ka yimaadeen iyo inay ahaan jireen dal iyo dad Xor ah oo ka Madax banaan waxa Hada loogu yeedho Itoobiya.

Wuxuu sheegay Oromadu inay rabto inay iyadu aayaheeda ka tashado haday rabto inay kasii mid ahaato gumaysiga Itoobiya iyo haday Dowlad gooni ah noqon hayaan ba.

Waxaa Isna Sidoo kale warbixin laga dhagaystay Ahmed Dayib (Amiir Ahmed) oo ah Hogaanka uxil Saaran Xuquuqul insaanka ururka dhalinyarada OYSU Germany(Ogaden Youth and students Union) Amiir ayaa ka warbixiyey Ogadeniya halkay ka timid iyo in dadka Ogadeniya uu gumaysan jiray Isticmaarkii ingiriisku kadibna uu isagoon shacabkii dhulka lahaa la tashan uu Itobiya gacanta ugaliyey, Wuxuu Sidoo kale ku soo bandhigay in Dalka Ogadeniya ayna wax media madax banaan ka jirin haayadaha caalamiga ah NGOs kana aynan gali karin Ogaadeniya Mudane Amiir ayaa ugu dambayn ka hadlay dhibka Qoxootiga Ogadeniya ku haysta dalka Germany.

Ugu dambayn waxaa lagudo galay in su’aalo la waydiiyo madaxdii shirka kaso qayb gashay su’aala haas oo ubadnaa Halka ay siyaasada Itoobiya Hada marayso iyo Dhibaatada Qoxootiga gumaysiga Itoobiya kasoo qaxay dalka Germany kuhaysata.

ONA/Germany.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay