Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in hadal kasoo yeedhay Raysal-wasaaraha cusub ee Gumaysiga Abiye Axmed, uu keenay cadho wayn oo laga yaabo in ay culays siyaasadeed kuneento mustaqbalka.

Abiye Axmed ayaa lasheegayaa in socdaalkiisii magaalada Maqale ee Gobolka Tigreega uu kajeediyay khudbad kacadhaysiisay kumanaan qoomiyada Axmaarada ah, kuwaas oo sida lasheegayo khudbadiisii u arkay in ay dhinac tahay ama beel gooni ah uu ugu kilkila duleelinayay.

Abiye Axmed ayaa mar uu kahadlayay qoomiyada isirkooda la isku haysto ee Walgayta looyaqaano ee dagta xuduuda Axmaarada iyo Tigreega sheegay in qoomiyadaas loodaayo dadkii ay awal lanoolaayeen ama kamidka ahaayeen, taas oo uu ula jeedo in ay kamid yihiin qoomiyada Tigreega.

Hase yeeshee waxaa hadalkaas jawaab kulul kabixiyay shacabka qoomiyada Axmaarada oo iyagu aaminsan in ay Qoomiyada Walgayta tahay dad asal ahaan Xabashi ah oo deegaan ahaan dhinaca Tigreega maray, taas oo sida ay sheegeen iska cad.

Siyaasiyiin iyo waliba dad aqoonyahan ah oo Xabashi ah ayaa dhankooda dhaliilay hadalka kasoo yeedhay Abiye Axmed kaas oo ay kutilmaameen mid dhinac ah isla markaana aan cadaalad ahayn.

Dhinaca kale xiisad aad uculus ayaa laga soo sheegayaa Gobolka Gambeella kadib markii ay iska hor yimaadeen ardaydii Jaamacada Gambella iyo waliba ciidankii wayaanaha, waxaana lasoo tabinayaa dhaawaca arday aad ubadan iyo waliba qaar kale oo la xidh xidhay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay