Shirkan ayaa waxa u soconayaa 16-27ka bishan April, 2018 oo lagaga hadli doono Arrimaha dadyowga Asliga(Indgenous ah ee laga tirada badanyahay, kulankan oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay (QM) ee New York ayaa waxaa ka soo qayb galaya dhamaan ururada iyo shucuubda  kala duwan ee laga tirade badan yahay. Sirkan ayaa ah kalfadhigii 17 oo rasmi ah oo lagu qabto xarunta qaramada midoobay.

Waxaa kulankan taariikhiga ah lagu marti qaaday oo ka hadli doona haduu ilaahay yiraahdo Wafti balaadhan oo ka socda shacabka Soomaalida Ogadenya, sida Ogaden people’s rights Ogaden Youth and Student Unio(OYSU).Waftiga  Ogadenya ayaa warbixino ku saabsan xaalada Ogadenya kusoo bandhigi doona haduu ilaahay yiraahdo inta uu kulankan socdo.

Waftigu Ogaadeniya uga qayb galay shirkan  waxa u ka koobanyhay.

1.Layla Hassan
2. Juweriya Cali
3.Shaafi Sheekh Cabdi (Shilaabo)
4. Hafsa Sheekeeye
5. Shukri Mohamed

Waxaa jira dadaal siyaasadeed ooy hay’adaha kala duwan ee Ogaadeenya  ee dibada ka howlgala wadeen sanadihii ugu danbeeyay. Kuwaasoo intooda badan ka dhacayay EU, UN, UK iyo wadamado kaloo Yurub ah. Dadaaladan ayaa midho dhalay iyadoo ay jiraan arrimo muhiim ah oo u hirgalay Shacabka Ogaadenya iyo xayiraad dhaqaale iyo go’doon siyaasadeed oo ku habsaday Gumaysiga Itoobiya.

Fagaarayaashan caalamiga ah ee lagu hardamayo ayuu Gumaysiga Itoobiya garwaaqsaday inuu ku guuldaraystay isagoo isticmaalaya dhamaan wixii xoog iyo xeelad ah ee uu heli karay Gumaysigu.

Kala socda ONA wixi faahfahin ah e ka soo kordha waran haddii ebo yidhaado.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay