Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Doorashada iyo laba xubnood oo kale ayaa shalay shaaciyay in ay xilkii iska casileen kadib markii xal loo waayey xiisad ka dhex taagneyd gudigaasi oo horay loogu eedeeyey musuq maasuq.

Ms. Connie Nkatha Maina iyo labo xubnood oo kale oo kamid ahaa Guddiga oo lagu kala magacaabo Margaret Mwachanya iyo Paul Kurgat, ayaa sheegay in aysan kalsooni ku qabin Gudoomiyaha gudigaasi Wafula Chebukati oo ay sheegeen in uu ku guulaysan waayey hogaaminta gudigaasi oo ay hadheeyeen eedeymo musuq maasuq.

Xubnaha iscasilay ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah Guddiga ay ku mashquulsan yihiin hawlo ugaar ah iyo awood maroorsi ka imaanaya guddoomiyaha. Gudiga doorashada ee Kenya ayaa horay loogu eedeeyey inay musuq maasuqeen doorashadii ka dhacday dalkaasi sanadkii tagay oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed iyo dacwada mucaaridka oo keentay in lagu celiyo codbixintii doorashadii Madaxweynaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay