Wararka naga soo gaadhaya magaalada Moyale ee dhacda xuduuda Ogadenia, Oromia iyo Kenya ayaa sheegaya in ay xiisad aad ubadan kataagan tahay kadib markii dad shacab ah oo magaalada kusugnaa lala beegsaday bamka gacanta laga tuuro, kaas oo gaystay khasaare naf iyo maalba leh.

Sida xogta aan kuhelayno maamulka Moyale ee dhinaca Oromada ayaa sheegay in falkan dadka shacabka ah lagu laayay ay kadambeeyeen kooxda Soomaalida ah ee looyaqaano Layuu Police, kuwaas oo in dhawaalaba ay udhaxaysay xurguf mudo soo jiitamaysay.

Maamul kusheega Oromada ah ee magaalada Moyale ayaa dabaqoodhiga Soomaalida ku eedeeyay dilal badan oo xuduuda Ogadenia iyo Oromia udhaxaysa kadhacay, halka kooxda gumaysiga ushaqaysa ee Jigjiga joogtana ay Oromada ku eedaysay in ay iyagu kadambeeyaan colaada xuduuda ka aloosan.

Hase yeeshee hadalka udambeeyay ee dhinaca Oromada kasoo yeedhay ayaa laga cabsi qabaa in uu sababo xasuuq ba’an oo shacabka Soomaalida ah ay Oromadu ugaysto, waxaana laxasuusan yahay dhowr gacan qaad oo maleeshiyaadka ay wayaanuhu hubeeyeen ee Oromadu ku xasuuqeen dad badan oo shacab ah oo Soomaali ah.

Sida aan lawada socono dagaalada udhaxeeya Oromada iyo Soomaalida waxaa hurintoodii iyo hulaaqintoodaba leh xukuumada wayaanaha, taas oo barafku uu kumarayo dagaalada labada shacab ee dariska ah.

Isku soo wada duub oo colaada Soomaalida iyo Oromada ayaa galaafatay nolasha dad badan oo shacab ah, mana jiro cid kukala dhex jirta oo daminta colaadaas daacad ka ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay