Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ciidanka nacabkaah ee gumaysigu ay dileen haweenay shacab ah oo kusugnayd magaalada Jigjiga, taas oo sida laxaqiijiyay maalin nimadii shalay oo Arbaco ahayd lagu aasay qubuuraha magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan.

Sida xogta aan kuhelayno Marxuumad Shamso Xassan iyo saygeedii Maxamuud Axmed ayaa jeelka ladhigay kadib markii lagu eedeeyay in wiil ay dhaleen oo lagumagacaabo Cabdifataax Maxamuud uu bartiisa Facebook kusoo qoray hadal kadhan ah maamulka Jigjiga.

Allaha unaxariistee hooyo Shamso ayaa lasheegayaa in ay udhimatay jidh-dil ba’an oo loogu gaystay jeelka magaalada Jigjiga, halkaas oo lagu ciqaabay iyada iyo saygeeda Maxamuud Axmed, oo loohaysto arimo aysan shuqul kulahayn.

Allaha unaxariistee hooyo Shamso Xassan ayaa martay wadadii ay mareen kumanaan hooyo oo kamid ah dumarka sharafta badan ee Soomaalida Ogadenia, waxaana ilaahay uga baryaynaa in uu janadii fardowsa kawaraabiyo guud ahaan shacabka Soomaalida Ogadenia na uu samir iyo iimaan kasiiyo.

Shacabka Soomaalida Ogadenia ayaa dhacdo iyo dhalato marti u ah gumaad joogta ah iyagoo qaarkood loo ciqaabo fal aysan shuqul kulahayn ee qof dibadaha jooga uusameeyay, arintaas oo kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah iyo dhaqanka suubanba.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay