Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan tuulada Kudunbuur ee gobolka qoraxay ayaa waxay sheegayaan in ciidamada woyaanaha iyo maleeshiyaadka ay ku adeegtaan ay gurigiisa kala baxeen habeen hore wiil shacab ahaa oo magaciisa naloogu sheegay Mayle Cabdi Muxumed kaasoo ciidamada Itoobiya ay jidh xoogan u gaysteen ayagoo ka jabiyay gacanta midig.

Wiilkan ay ciidamada woyaanaha gurigooda kala baxeen ayaa asagoo sakaraad ah waxaa lagu soo tuuray meel wado ah waxaana qaaday ehelkiisa asagoo hada sida naloo xaqiijiyay la geeyay magaalada Qabri dahare ee xarunta gobolka Qoraxay.

Ciidamada Bahaloobay ee gumaysiga Itoobiya iyo Maleeshiyaadka calooshood u shaqays tayaasha ah ee hawaarinta ayaa waxay sii laban laabeen xasuuqii xidhaygii iyo hanti boobkii ay ku hayeen dadka shacabka ah waxaana ilaahay uha baryaynaa inuu shacabka Soomaalida Ogaadeniya ka dulqaado gumaysiga iyo dhibaatada.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco ONA.

ONA/Qabridahare.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay