Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidanka wayaanuhu ay garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa ku bahdileen nin caan ah oo arimaha xuquuqda aadamaha udhaq dhaqaaqa isla markaana warbaahinta kashaqeeya.

Ninkan oo lagu magacaabo Iskander Nage ayaa lagu casuumay xaflad lagu maamuusayay sanadguuradii 50aad ee kasoo wareegtay aas’aaskii hay’ada xuquuqda aadamaha udooda, taas oo sida lasheegayo todobaadkan kadhici doonta wadanka Maraykanka.

Iskander Nage ayaa lasheegayaa in laanta socdaalka ee gumaysigu ay ku wargaliyeen in uusan dalka kabixi karin, waxaana laga qaaday Baasaboorkii uu kusocdaali lahaa isagoo waliba aad loogu hanjabay looguna bahdilay gudaha garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa.

Mr Nage ayaa dhowr jeer oo hore laxidhay waxaana lasheegayaa in uu kamid yahay rag badan oo laga mabnuucay in ay dalka dibada uga baxaan, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedaan maamulka wayaanaha.

Dinaca kale ciidanka dhaqanka xun ee wayaanaha ayaa magaalada Asala ee Gobolka Oromia ku dilay hooyo waayeel ah iyo wiil ay dhashay, waxaana lasheegayaa in ay dhaawaceen 4 dumar ah oo kamid ah shacabka magaalada Asala.

Hooyo Zaynab Cali iyo Ismaaciil Axmed oo 15 jir ah ayaa lasheegayaa in ay ciidanka Agazigu ku toog barteen isla goobtana ay kugeeriyoodeen, wuxuuna falkaas foosha xun ugu dambeeyay dilal badan oo todobaadkan kasocday Ogadenia iyo Oromia.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay