Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu doonayo in uu aqbalo casuumaad uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si ay ugu kulmaan Washington.

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti, ayuu Lavrov ku sheegay in Putin uu diyaar u yahay kulankaasi. Lavrov wuxuu sheegay in dhowr jeer oo ay khadka telefoonka ku wada hadleen labada madaxweyne, uu Trump soo celceliyay mowduuca casuumada, sidoo kalana sheegay in uu aad ugu farxi lahaa booqasho uu ku tago Ruushka.

Labadan madaxeyne ayaa ku heshiiyay shir ay suurtagal tahay in ay ku yeeshaan Washington. Trump ayaa wacay Putin, 20-ki bishi March ee sanadkaan, markaas oo uu ugu hambalyeeyay doorashadi madaxtinimo ee ka dhacday Ruushka ee uu Putin ku guuleystay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay