Weerarada uu Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya ku qaaday fadhiisimooyin kala duwan oo uu cadawgu ku leeyahay dalka Ogaadeenya ayaa wuxuu cadawga ku gaadhsiiyay khasaare laxaad leh oo kala duwan.

Weeraradan oo intooda badan ahaa kuwo loo qorsheeyay inay u fulaan si kooban oo loogu talagalay in cadawga waxyeelo iyo cabsi galinba loogu gaysto ayaa u dhacay habkii loo qorsheeyay. Warbixinta aan ka helnay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa naloogu sheegay inuu ciidanka jabhadu ku hantay guulo, waxayna u kala dhaceen sidan;

– 27/2/12  dagaal ka dhacay   Garwaan  oo u dhaw Marsin waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  5 askari waxaana lagaga dhawaacay  8 kale

– 28/2/12   dagaal ka dhacay  Sammu  oo ka tirsan Doollo  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  4 askari wxaana looga dhaawacay 7 kale

– 2/3/12  dagaal ka dhacay Daratoole oo ka tirsan Doollo waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  4 askari waxaana lagaga dhawaacay tiro kaleoo aan wali  la xaqiijin

– 3/3/12 dagaal  ka dhacay Qorax oo ka tirsan deegaanka Marsin  waxaa ciidanka cadawga looga dilay 3 askari tiro kalena waa lagaga dhaawacay

– 4/3/12 dagaal ka dhacay  Tukaale oo ka tirsan degmada  Qabri-dahar waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  4 askari  2 kalena waa lagag dhaawacay , sidoo kale dagaal ka dhacay isla taariikhdaa  meesha loo yaqaano Gurre oo ka tirsan deegaanka Caado waxaa ciidanka cadawga lagag dilay  3 askari  waxaana lagaga dhaawacay 5 kale , sidoo kale dagaal ka dhacay deeganka Cawlkudhal ayaan ilaa hada wax faahfaahin ah laga hayn.

– 5/3/12 dagaal ka dhacay  Qaaxo oo ka tirsan  Qaqbri- bayax  waxaa ciidanka cadawga lagaga dhawaacay  4 askari  iyadoo ay jirto tiro dhimasho ah oo aan wali la soo cadayn

– 6/3/12 dagaal ka dhacay  Buladari oo ka tirsan degmada   Qabri- bayax  waxaa ciidanka cadawga looga dilay 3 askari  tiro kalena waa lagaga dhaawacay

– 8/3/12 dagaal ka dhacay Geenya-cadde  oo ka tirsan  Caado ayaa inta la og yahay waxaa cadawga lagaga dhaawacay  4 askari  iyadoo ay jirto tiro dhimasho ah oo aan wali la xaqiijin,isla taaiikhdan  dagaalka dhacay  Qabaaljeex oo ka tirsan  degmada Dhagaxbuur waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  3 askari  3 kalana waa  lagaga dhaawacay

– 9/3/12 dagaal ka dhacay Laandheer oo ka tirsan deegaanka Caado waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  5 askari  9 kalena waa lagaga dhaawacay, isla taariikhdaa kamiin loo galay gadiid marayay  Labiga-booska oo u dhaw gari’go’gan   ayaa waxaa cadawga  la gaadhsiiyay khaasre balaadhan waxaana halkaa ku  dhintay sarkaal sare   oo ciidanka cadawga ka tirsan

– 13/3/12 dagaal ka dhacay  Agasla oo ka tirsan  Baabili  waxaa cadawga looga dilay  4 askari waxaana looga dhaawacay 5 kale

 

Dhinaca kale waxa jiar  dhibaato balaadhan oo ah jidhdil baahsan oo loo gaystay dadka ku dhaqan deegaanka Gabriile halkaas oo ay ka dhacday todobaadkan kufsi iyo faraxumayn loo gaystay in ka badan 16 dumar ah, ayaa hadana waxaa ka dhacay jidhdil loo gaystay dad fara badan oo isla deegaankaa ah. Waxaa kale oo jira dad badan oo lagu xidh xidhay  gobolka Jarareed. Faahfaahinta tacadiyadaa ayaan dib ka soo qori doonaa.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay