Waxaa heer wax ku’ool ah gaadhay kacdoonadii shacabka ee kasocday Gobolka Shiniile (Siti) ee galbeedka Ogadenia, waxaana lasoo warinayaa in ay shacabku si mid ah uga hor yimaadeen maamul kusheega Jigjiga iyo waliba ciidanka qowlaysatada ah ee gumaysiga u adeega.

Dhinaca kale waxaa lasoo tabinayaa xidhay iyo Jidh-dil baahsan oo loogaystay shacabka kudhaqan Gobolka Siti, gaar ahaa Dagmooyinka Shiniile iyo Biki oo ah meelaha ugu daran ee shacabku ay dibada usoo baxeen.

25 kamid ah dhalinta Gobolka ayaa lasheegayaa in lakeenay xabsiga dadka lagu ciqaabo ee kuyaala magaalada Jigjiga ee looyaqaano Jeel-ogaadeen, kaas oo horaanba ay ugu jireen kumanaan shacabka Soomaalida Ogadenia kamid ah oo si sharci daro ah mudo dheer halkaas ugu xidhan.

Sidoo kale ciidanka Hawaarinta ayaa lasheegayaa in ay afduubeen labo oday oo Gobolka aad looga yaqaano kuwaas oo lakaxaystay kadib markay cadeeyeen mowqofkooda ku aadan maamulka Jigjiga iyo xukuumada madhalayska ah ee gumaysiga Itoobiya, Odayaasha la afduubay ayaa lagu kala magacaabaa Ismaaciil Sabce Kitaable iyo Geesaale Buux Cali.

Dhinaca kale kacdoon shacab oo aad uwayn ayaa lasheegayaa in uu maalin nimadii shalay ka dhacay magaalada Malkaajabti oo duleedka Diredabe kutaala, halkaas oo uu kabilowday kacdoon mataano la ah midka Gobolka Siti kasocda.

Jaaliyada Gobolka Shiniile ee dibada ayaa lagu wadaa in ay qabtaan shirar waawayn oo lagaga tashanayo dhibaatada kataagan Gobolka Siti iyo sidii loo garab istaagi lahaa shacabka lagu jowr falayo ee ree Shiniile.

Wixii war ah ee kasoo kordha xaalada Gobolka Siti kala soco ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay