Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf cusub oo soo kala dhex galay hogaanka sare ee wayaanaha, kaas waligiiba ukala qaybsanaa qabiil qabiil iyo koox koox.

Sida xogta aan kuhelayno khilaafka cusub ayaa udhaxeeya kooxaha OPDO iyo ANDM oo dhinac ah iyo waliba kooxda talada faraheeda laga bixiyay ee TPLF, kooxaha Axmaarada iyo Oromada ee awooda wadanka doonaya in ay maroorsadaan ayaa doonaya in laqaado xukunka dag daga ah ee wadanka saaran halka kooxda TPLF ee Tigreega ah ay doonayaan in wadanka lagu siihayo xukunka xaaraanta ah ee saaran.

Kooxaha OPDO iyo ANDM oo u muuqda kuwo isbahaysi cusub yagleeli raba ayaa qaba in laqaado xukunka si qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromada loogu daneeyo, halka kooxda TPLF ay doonayso in cadaadiska lasiiwado si looqabjabiyo Axmaarada iyo Oromada.

Murankan soo kala dhex galay hogaanka sare ee wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa umuuqda mid siixumaanaya kadib markii Raysal-wasaaraha cusub ee aan wali taladii wadanka saamaynta kuyeelanin laga diiday talooyin dhowr ah oo uu siiyay hogaanka ciidamada oo dhamaantood Tigree ah.

Dhinaca kale kacdoon shacab oo aad ubalaadhan ayaa laga soo sheegayaa magaalada Arbaminj ee Koonfurta Itoobiya, halkaas oo ay isugu soo baxeen kumanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xukuumada wayaanaha.

Isusoobaxan ayaa yimid kadib markii ciidanka Wayaanuhu ay magaalada Bashar ee Gobolka Arbaminj kudileen 3 qof oo shacab ah kuwaas oo iyagoo danahooda caadiga ah wata latoogtay, waxaana lasoo tabinayaa in uu kacdoonka Arbaminj gaadhay meel sare.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay