Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somalia ayaa sheegaya in rasaas la isku weydaarsaday gudaha xeradii tababarka ee Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.

Sida dad goob joogayaal ah u xaqiijiyee saxaafada, ku dhawaad 5 qof ay ku dhimatay halka dad kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii iska hor imaad uu dhex maray ciidamadii ay tababartay dawlada Isutaga Imaaraatka Carabta (UAE) iyo kuwa dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu dhacay  ka dib markii ciidamo ka tirsan dawlada federaalka ay damceen in bakhaar ku yaalay gudaha xerada ay  kala baxaan hub balse ay diideen ciidamadii ku sugnaa xarunta. Labada ciidan ayaa fooda isdaray taasi oo keentay khasaare balaadhan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay