Gudigga qaban qaabada doorashada gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya ayaa qaar ka mida musharaxiinta u tartamaya kursigaas diiwaangeliyey sidoo kale waxay gudoonsiiyeen shahaadooyinka musharaxnimada , Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in diiwaan gelintu ay si fiican ku bilaabatay musharaxiintu ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

Musharaxiinta la diiwaan geliyay ayaa gaaray 5 kuwaas oo kala ah:

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow,
Xildhibaan Sheekh Cali Sheekh Maxamed,
Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen),
Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Waxaan weli is casilin Wasiirka gaashaandhigga maxamed Mursal Sheekh si u ugu tartamo xilka afhayeenka baarlamaanka, waxaana uu ahaa Musharixii labaad ee ku dhawaaqa in uu u tartamaayoxilkaas, waxaana shuruudaha kamid ah in haddii uu xil wasiir hayo marka hore iska casilo, waxaana ilaa hadda is casiley Wasiiru dowle iyo wasiir ku-xigeen.

Maanta ayaa ugu danbaysa diiwaangelinta musharaxiinta sida ku cad jadwalka doorashada ee ay soo saareen gudiga qaban qaabada doorashooyada gudoomiyaha baarlaamanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay