Ciidanka Amaanka ee dalka Canada ayaa sheegay in ay baadhitaan ku wadaan weerarkii Isniintii ka dhacay magaalada Toronto iyagoo nolol ku qabtay ninkii weerarkan gaystay.

Toban qof ayaa ku dhintay falkan oo ay booliiska ku sheegeen weerar ulakac ah, waxaana ku dhaawacmay 15 qof oo kale. Ninkan watay gaadhigan ayaa markii ay booliiska hareereeyeen isku dayey inuu iska dhigo nin wata bistoolad si ay u toogtaan, balse booliiska ayaa si taxadar leh u qabtay ninkan iyagoo aan wax rasaas ah adeegsan.

Taliska Booliiska ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay in weerarkan uusan ahayn mid ay gaysteen koox argagaxiso ah, balse ay baadhayaan sababta ku kaliftay ninkan inuu falkan ku kaco. Kooxda Daacish ayaa dalalka Yurub iyo Maraykanka horey uga gaysatay weeraro dad badan lagu dilay oo loo adeegsaday gawaadhida xamuulka qaada.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay