Waxaa maalinimadii maanta ahayd kulan muhiim ah isugu yimid gudiyada Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia ee OYSU kana hawlga Bariga Africa.

Kulanka oo billaabmay subaxnimadii hore ee saaka Abaare 7:00 subaxnimo ayaa ugu horaynba lagu daahfuray qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo aad uqiimo badan waxaana intaas kadib lasoo bandhigay Ajandihii kulanka loogu talagalay iyo qodobo dhawr ah oo lagu gorfaynaayay kulanka waxaana ugu dambayntii fikir iswaydaarsi iyo falanqayn dheer kadib lagasoosaaray go,aamo iyo talooyin wanaagsan.

Kulankan oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen ergooyin kaladuwan oo kamid ah hawl wadeenada ururka ee faracyada B/Afrika sida Nairobi, Garissa, xagardheera, Dhagaxley, Ifo iyo waliba xubno kale oo kamid ah ka waadiirta ururka ee B/Afrika ayaa ahaa mid loogu talo galay in lagaga Arinsado gabi Ahaanba hawlaha guud ee halganka iyo waliba shaqooyinka gaarka ah ee OYSU bariga Africa waxaana gabagabadii kulanka hoosta laga xariiqay in lafuliyo dhamaan go, aamadii lagasoo saaray kulanka waxuuna kulanku kusoo dhamaaday jawi dagan Abaare 4:00 galabnimo

Abdullahi calanside
ONA/IFO.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay