Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shiniile (Siti) ee galbeedka wadanka lagumaysto ee Ogadenia ayaa sheegaya in kacdoonadii shacabku ay waji cusub yeesheen kadib markii taliska wayaanaha iyo kuwa u adeega ay adeegsadeen awood ciidan oo aad ubadan.

Sida xogta aan kuhelayno guud ahaan Gobolka ayaa lagu daadiyay ciidamo aad ubadan oo isugu jira maleeshiyada Layuu Police-ka looyaqaano iyo ciidanka mulatariga Itoobiya iyo waliba kuwa sirdoonka ee wayaanaha.

Arintan ayaa kadambaysay kadib markii maamulka Jigjiga ay dalbadeen ciidamo aad ubadan oo lagaga hor tago waxa ay ugu yeedheen ciidamo ONLF ah iyo kuwo argagixiso ah oo Gobolka soogaadhay qalalaasana kabilaabay.

Ciidanka Hawaarinta iyo kuwa mulatariga ayaa bilaabay xoog in ay kumuquuniyaan shacabka waxayna xabsiyada dhigeen dhalinyaro aad ubadan iyagoo magaalada Ayshica oo kaliya kaqabtay dhalinyaro 100 kor udhaafaysa.

Ciidamada isku dhafka ah ee gumaysiga ayaa lasheegayaa in ay magaalada Hadhagala ee Gobolka Shiniile kawadaan howl gal isir sifayn u’eg waxaana lasheegayaa in ay dadka shacabka ah kuridayaan rasaas nool, waxaana lasheegayaa in uu khasaare jiro.

Dhinaca kale waxaan wali lahaynin meesha dhabta ah ee lagu hayo ama ay kudambeeyeen odayaashii la afduubay ee kala ahaa Ismaaciil Sabca kitaable iyo Geesaale Buux Cali. Waxaa iyaguna xidhan dhalinyaro aad ubadan oo todobaadkan horaantiisii laqaqabtay.

Isku soo wada duub oo waxaa aad ukacsan xaalada Gobolka Shiniile (Siti) waxaana lafilayaa in ay shacabka guushu raaci doonto hadii Alle Idmo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay