Dowladda Sucuudiga ayaa ka fiirsanaysa in illaa 90 kun oo muslimiin ah oo ka tagaya dalka Nigeria ka hor istaagto gudashada waajibaadka Xajka.

Arrintan ayaa la xiriirta cabsi laga qabo in ay faafiyaan xanuun cusub oo lagu magacaabo Xummadda Lassa oo laga heley dalka Nigeria.

Illaa biloowgii sanadkan, xanuunkan ayaa waxa uu dilay illaa 90 qof, waxaana la heley illaa kun qof oo uu soo ritay.

Astaamaha xanuunkan ayaa waxaa ka mid ah qandho daran, daal, labbo-labbo, mantag, fuuqbax gadaal ah, madax xanuun, xanuun uurka ah, cunaha oo qaraar noqda iyo waliba wajiga oo qofka barara.

Caabuqan ayaa waxaa faafiyay fiidmeer cuntay dooli cudurka qaba. Waxaa kale oo laga qaadi karaa haddii dooligaas uu cuntada taabto. Sidoo kale haddii qofka candhuuftiisa kusoo gaarto.

Afhayeen u hadlay guddiga saree e Xajka Nigera Muusa Ubandawaki ayaa sheegay in ay kulamo la qaadanayaan dhammaan mas’uuliyiinta 36-da gobol ee ay Nigeria ka koobantahay si looga wada hadlo arrimaha cusub ee soo fool leh.

Xajka ayaa waxa uu ku beeganyahay bisha Agoosto ee sanadkan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay