Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf cusub oo durba soo kala dhexgalay maamulka cusub ee wayaanaha iyo dadka shacabka ah oo awalba tabasho aad ubadan waday isla markaana cadaalad daro aad ubadan sheeganayay.

Sida xogta aan kuhelayno khilaafka shacabka Itoobiyaanka ah iyo raysal-wasaaraha cusub Abiye Axmed ayaa soo if baxay kadib markii xafiiska Abiye Axmed laga bixiyay bilad sharaf dadwaynaha aad uga cadhaysiisay.

Raysal-wasaaraha cusub ee gumaysiga Itoobiya Abiye Axmed ayaa bilad sharaf gudoonsiiyay ninkii isaga xafiiska uga horeeyay ee maamulka wadanka kufashilmay Hailemariam Desaleng, kaas oo ahaa hogaankii ugu liitay ee wadanka gumaysiga soomaray marka laga eego dhinaca maamulka.

Hailemariam Desaleng ayaa lasheegay in xiligii uu wadanka hogaanka u ahaa ladilay in kabadan 50 kun oo qof oo shacab ah, kuwaas oo ciidamada wayaanaha looxalaaleeyay in ay dilaan, waxaana lasheegayaa in malaayiin lacag ah shacabka laga dhacay.

Dadwaynaha ree Itoobiya ayaa aad uga cadhooday sababta dilaaga caanka ah ee dadkii uu xukumay gumaaday loosiiyay bilad qaali ah oo lagu sharfayo, waxayna shacabku sheegeen in Abiye Axmed uu duudsiyay dhiiga kumanaan shacab ah.

Dadka arimaha Itoobiya udhuun duleela ayaa sheegaya in dhaqanka noocan ah uu Itoobiya caadi kayahay, waxayna sheegayaa in saraakiisha wayaanaha lagu dalacsiiyo xasuuqa iyo dhibaatada ay gaystaan.

Iskusoo wada duub oo dadka shacabka ah ee wadanka Itoobiya lagu gumaysto ayaa durba ogaaday in maamulada wayaanuhu ay isku dhaqan yihiin iyo in uusan jirin xubin EPRDF kasoo jeeda oo shacabka lexjeclo uhaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay