Emmanuel Macron, Madaxweynaha France oo booqasho rasmi ah ku jooga Maraykanka ayaa sheegay in guul laga gaadhay wadahadalkii uu la lahaa Donald Trump, Madaxweynaha Maraykanka oo uu kala hadlayey heshiiskii Nukliyeerka IRAN oo uu Trump sheegay inuu burburin doono.

Mr. Macron ayaa sheegay in heshiiskii dhexmaray Beesha Caalamka iyo IRAN ee xakameynta barnaamijka nukliyeerka ee wadanka Iran uu yahay mid laga miro dhaliyey oo xakameeyey awoodii nukliyeerka ee dalkaasi, isagoona sheegay in wixi khaladaad ah oo heshiiskaasi ku jira gadaal laga sixi karo iyadoo aan la wada burburin heshiiskaasi muhiimka ah oo la saxiixay sanadkii 2015.

Dowlada Maraykanka oo qeyb ka ahayd wadamada reer Galbeedka ee heshiiskan wax ka saxiixay wakhtigii uu xilka hayey Madaxweyne Obama ayaa hada laga rabaa in ay markale heshiiskaasi dib-u-cusbooneysiiso bisha May ee soo socota sida sharciga dalkaasi qabo, balse Madaxweynaha dalkaasi Trump ayaa sheegay inuu laali doono heshiiskaasi.

Dalalka Xulafada la ah Maraykanka ee Israel iyo Sacuudiga ayaa ku cadaadinayey Trump inuu burburiyo heshiiskaasi oo uu saxiixay maamulkii ka horeeyey ee Barack Obama.  Dowlada Iran ayaa uga digtay Maraykanka inuu faro geliyo heshiiskii horey loo gaaray oo ay qalinka ku duugeen.

Wasiirka Iran ayaa sheegay in hadii Maraykanka heshiiskan ka baxo ay iyaguna qaadi doonaan tilaabo taas u dhiganta waxaana hadalkaasi isla shalay sii xoojiyey Madaxweynaha IRAN, Xasan Rowxani oo isaguna sheegay in Maraykanka uu qaadi doono wixii ka yimaadaa burburinta heshiiskaasi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay