Khamiis 15.3.2012:  Wadanka South Afrika waxaa Maanta ka furmay shirweynihi Jaaliyadaha  somalida  ogadeniya  ee  South Afrika  (JOKA ). Shirkanoo socon  doona mudo 3 maalmood  ah. Shirka  ayaa  waxaa  ka sooqeeyb  galay xubnaha jaaliyada ogadeniya ee  wadanka koonfur Afrika oo  ka  kala  imaaday  dhamaanba  gobolada dalk uu  ka  kooban  yahay.

Shirweynahan ayaa maalinka hore waxa Jaaliyadu ay ku casuuntay Taagerayshaasha iyo saxiibada Halganka Somalida Ogadeniya ee ay Jaaliyadu ka hir galisay wadanka South Afrika. Waxaana shirkan kasoo qeyb galay Haayado Xuquuql insaan, kuwo Bulsho, Siyaasiyiin iyo Madax kasocota Guriga Mayorka gobolka Eastern Cape. Jaaliyada ayaa shirkan maalinka hore ugu talo gashay furitaan iyo soo dhaweyn sidoo kale warbixino ay Faracyada Gobolada Jaaliyadu ay kusoo bandhigayaan wax qabadkoodi sanadlaha ahaa. Maalmaha danebana waxa lagali doona wada xisaabtan iyo siminaaro lasiinayo Jaaliyada.

 Shirka  oo  uu  shir gudoominayey  Halgame  Mahamed  daahir  colhaye ayaa furitaanki shirka kadib wuxu  kusoodhaweyey  afhayeenka  jaaliyada somalida ogadeniya Huud.

Halgame  huud  sheekh  badri, wuxuu xog kooban ka bixiyay sababihii dadka ogadenia ay ugasoo barakaceen dalkoodii hooyo .Waxaa kale uu si hufan ugahadlay dhibaatadda bulsho iyo dhaqaale iyo caqabadaha dadka ogadeniya kasoojeeda horyaala. Waxa kale oo uu kahadlay oo uu dhiiri galiyay isdhexgalka bulshooyinka ee Jaaliyada Somalida Ogadeniya la leedahay Bulshaweynta ay la noolyihiin ee South Afrika oo uu kusheegay in loo baahanyahay in lasii xoojiyo oo lagu dadaalo.

Mudane Huud ayaa kacodsaday Madaxdii South Afrikanka aheyd iyo Haayadihii kasoo qeyb galay shirka in Marka loo eego wakhtiga dheer ee Jaaliyada JOKA ka howlgalaysay South Afrika hadana wali in ay u baahan yihiin in lanagacawiyo dhismaha bulsho dhinaca  isdhexgalkaa oo is fahanka dhaqaale iyo dhaqan ahaanba, aad muhiim ugu ah ayuu yidhi.

Gudoonku  wuxu  kusoo  dhaweyey  masuul ka socoda gobolka Easten  cape xafiiska Mayarka gobolkan   laguna  magacaabo rev. Abel Vinai

Rev Abel  ayaa sifiican  uga  hadalay  dhibatada  ka  jira ogadeniya. Waxuuna jaaliyada JOKA iyo xubnihii shirka kasoo qeyb galay uu laqeybsaday xanuunka iyo murugada kasoo gaadhaysa gumeysiga:  waan  ka xunahay  ayuu  yidhi dhibaatoyinkaas. Sidoo  kale  wuxu  kahadalay dhibatada geeska  afrika  ka jirta. Masuulkan ayaa jaaliyada u balan qaaday innuu kala sahqeyn doono mayorku arrimaha bulsho iyo dhamaanba kaalmo kasta oo ay uga baahdaan gobolkan uu masuulka ka yahay.

Waxa lagu  soo  dhaweyey oo kale  cod  baahiyaha hadan masuul ka socoday Human Rights centre for REFUGEES.

DAVID ROSSOUW  oo haayadaas masuul ka ah ayaa  wuxu xog kabixiyay  xaquuqda ay leeyahiin shacabka Somalida ogadeniya  ee wadankan South Afrika  ku nooli ay ku leeyihiin South Afrika.  Waxuu   kaloo  kudheeraday  in  xuququda  ogadeniya  ay  tahay  in laga  hadalo oo aan  laga  aamusin. Si dhibatadaas wax looga qabto waa in wax badan laga hadlo qadiyadaas ayuu yiri.

Hadana  waxaa  lagu  soodhaweyey M W  KALANI oo ah  ruugcadaa siyaasi ah oo u ololeeya qadiyadadadka ogadenia ee qaxootiga ku ah wadankan South Afrika

SNGO oo ah urur mideeya  dhamaan ururarad bulsha ee koonfur afrika ayaa shirkan iyana u soo dirsatay masuul shirkan, Masuulkaas waxuu jaaliyada ku casuumay inay kubiirto ururkaas oo xubinka ah urur waynaha caalamka ee mideeya dhamaan urur-bulsheedyada calamka kajira. Waxa uuna u mahad celiyaya jaaliyada JOKA siday ugu taaganyihiin inay danahooda ka arrinsadaan isla mar ahaantsaasna dadkoodi dhibanaha ahaa ay wax ugu taraan.

Warbixinihii Faracyada Jaaliyada JOKA

Soo dhaweynta iyo Qudbadihii Saxiibada qadiyada Ogadeniya iyo Jaaliyada JOKA kadib waxaa la guda galay wajigii labaad ee biliwga kulanka oo ahaa isna soo dhaweyn lagusoo dhaweynayo faracyada Jaaliyadaha. Kuwaas oo bixinayay warbixino ku aadan shaqoyinkii ay qabteen.

Waxaana lagu  soodhaweyey sheekh  Mahamed Raabi  oo  halkaas kasoo jeediyay muxaadaro diini ah isaga oo ku dheeraday cimriga   bini  aadmka  iyo  sida  loogu  baahan yahay  in  ruxu  ka  faa ideysto waqtiga nolashana uu  san umacaansan  oo  uu  xisaabtamo Eebana  ku xidhnaado.

Gudoomiyaha jaaliyada  JOKA halgame  Suldaan  Cabdi  Azkar ayaa  khud bad  kooban soo  jeediyey iyo guubaabo uu siinayay oo ku amaanayay shaqooyinkii wanaagsanaa ee Jaaliyada JOKA qabatay. waxaana  kamid  ahaaa  hadladiisii 3 la  imaada waad  guulaysanaysaane. Midnimo,  Adkeeysi  iyo  Allaah kacabsi.  gudoomiyah  waxuu  u hanbalayay si  guud  xubnaha jaaliyada JOKA.

Xasen  Cabdi  aw Nuur, Cabdi Qorane, Cumar Farah ayaa iyana kamid ah Masuuliyiinta Joka ee u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Saxafada. Waxayna Masuliyiintu sheegeen in Tirada Xubnaha Jaaliyadu ay aad usoo badatay Sanadkan, Dhaqaalihii Dhigaalka ahaa iyo Dhaqalaha Guud ee Jaaliyada Soo galana laba jibaarmay marka loo eego sanadki hore. Sidoo kale Xubnaha Warfaafinta u tababaran ee jaliyadu soo saartay ayaa ah mid lagu faano iyada oo qorshayaal badan oo Saxaafada la xidhiidha halkaas laga sheegay.

Maxamed Qani ayaa isna ka xog waramay ururka OYSU south Afrika iyo horumarkii uu sameyay sanadkii ay howsha kawadeen wadanka South Afrika.

Waxaa  sifiican  warbixin  tii looga dhageestay  gudoomiyaashii  gobolada oo qolo  walba  sheegtay wixii  uqabsoomay  sanadakan gobolada  meesha  ka  hadalay waxa  kamid  ahaa

Johanesburg  , Eastern  londan, Darban, Quenstown, Kingwilmestown ,  Cape town  xarunta  oo  ah  eastern  london.

Shirkan  ayaa  socon  doona  2malmood  oo  danbe waxaana  maalinta  bari  ah la  guda  gali dajinta ama  asixinta  xeer  hoosaadka  jaaliyada  iyo  xildhigsta  gudida iyo doorashada  gudi  farsamo.

Shirka maanta oo  furmay  abaarihii  2.00 duhurnimo ayaa  soo  xidhmay 6makhribnimo

Wuxuna  kusoo  xidhmay jawi  aad  u  heer  sareeya shirka  ayaa  dib  ufurmi  doona  bari  aroortii hadii  ale  idmo

Kala soco  shirka  qeybihiisa  kala  duwan: Filimaan shirka lagasoo diyariyay iyo xogag kale ONA

Omar  jigjiga

SA

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay