Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa sheegaya in koox qowlaysato ah laga diray magaalada Jigjiga si ay wax uga soo qabtaan xaalada murugsan ee kataagan Gobolka Shiniille ee galbeedka Ogadenia.

Kooxdan oo isugu jira wasiiro kusheeg iyo waliba nin lagu sheegay in uu madaxwayne kuxigeen kayahay maamulka Jigjiga ayaa gaadhay magaalooyinka Dirdabe, Biki iyo Adhigala, waxayna isku dayayaan in ay lakulmaan odayaasha iyo cuqaasha Gobolka, si ay ugu mijin qabtaan kooqda dhiiga shacabka miirata ee Jigjiga fadhida.

Dhamaan shirarka ay kooxdu lagashay Odayaasha ayaa lasheegayaa in ay waji gabax kala kulmeen kadib markay odayaashu si isku mid ah usheegeen in aysan wax hadal ah galaynin ilaa iyo inta laga soo celinayo dhalin yaradii iyo odayaashii laga afduubay Gobolka, waxayna odayaashu fadhiga kaga kaceen kooxdii dabaqoodhiga ahayd oo fadhida.

Intaas kadib kooxdii Jigjiga laga soo diray ayaa lahadlay wakiilkii Gumaysiga ee Ogadenia Cabdi Maxamuud, iyagoo usheegay in uu si dag dag ah usoo daayo dadkii xidh xidhnaa hadii kale iyaga hada Gobolka kusugan ay khatar kujiraan iskaba daa xal ay keenaan e, wuxuuna Cabdi balan qaaday in uu dadkaas soodayn doono.

Dhinaca kale kacdoonkii shacabka ee Gobolka Siti ayaa isku xidhmay gude iyo dibadba waxaana dibada kadhacay shirar lagu taageerayo shacabka ree Siti, isla markaana lagaga soo horjeedo maamul kusheega aan naxariista lahayn ee gumaysiga u adeega.

Wixii war ah ee kasoo kordha arimaha Gobolka Shiniile kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay