Sida ay haayada OCHA sheegtay tan iyo horaantii bishan April waxaa jiray fatahaado iyo daadad saameeyay dadka kudhaqan wadanka Ogadenia kadib markii uu fatahaad sameeyay wabiga shabeele ee dhex mara dhulka Ogaadeniya waxaana jira boqolaal dad ah oo u baahan gar-gaar dag dag ah kuwaasi oo aan helin wax daryeel ah haba yaraatee.

Waxaa kale oo saameeyay dadka Ogaadeniya roobab waawayn oo da’ay kuwaasi oo ka da’ay dhamaanba Gobolada Ogadenia ee ku jira gacanta gumaysiga Itoobiya waxaana kamid ah meelahaas Afdheer, Faafan, Nogob, Siti, Shabeele, iyo waliba tuulooyin badan oo lagu qiyaasay ilaa 19 kuwaasoo dadkii ay u baahan yihiin Xaalad bani’aadamnimo oo dag daga.

Waxaa sidoo kale iyaguna kamida goobaha ay haayadu cayintay dhulka Canfarta iyo Oromada kuwaasi oo uu saamayn xoog leh ku yeeshay roobabkii dhawaan ka da’ay bariga afrika.

Dadka ku dhaqan Ogaadeniya ayaa waxayna helin wax kaalmo bani’aadamnimo ah oo ka yimaada gumaysiga Itoobiya waxaana saamaynta ugu wayn yeeshay wabiga Shabeele iyo dadka ku nool hareerihiisa.

Xigasho: OCHA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay