Maanta oo khamiis ahayd taariikhuna ay kubeegnayd 26/4/18 waxaa magaalada Gaarissa ee Gobolka Woqooyi bari Kenya kadhacay shirkii caadiga ahaa ee Faraca Barsan ee kadhisan magaalada Gaarissa.

Shirka oo ahaa kii caadiga ahaa ee faraca ayaa lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sheekh Shaafi oo kamid ah culimada faraca wuxuuna sheekhu aad ugu dheeraaday cabsida Allaah iyo gudashada waajibaadka jihaadka.

Sidoo kale waxaa warbixin aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysay soo jeediyay Halgame Liibaan Miyir waxaana lakala qaatay warbixino kala duwan oo dal iyo dibadba ah.

Sidoo kale waxaa khudbado dhaadheer oo warbixino ubadan laga dhagaystay labo mas’uul oo kamid ah mas’uuliyiinka Jabhada wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO.

In taas kadib waxaa madasha kulanka soo xidhay isla markaana xubnaha jaaliyada siiyay warbixin aad udheer gudoomiyada Faraca Barsan, waxaana kulanka lagu soo xidhay si guul ah.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa fikiradooda saliimka ah laga dhagaystay xubnaha faraca Barsan kuwaas oo fikiro kala duwan oo nadiif ah keenay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay