Wararka naga soo gaadhaya magaalada Ambo ee Gobolka Oromia ayaa sheegaya dibad baxwayn oo rabshado wata oo maalin nimadii shalay hadheeyay magaalada Ambo iyo nawaaxigeeda.

Sida xogta aan kuhelayno dibad baxa ayaa dhacay kadib markii ardayda Jaamacada Ambo oo aad u abaabulan ay weerar kuqaadeen xafiisyada xukuumada wayaanaha isla markaana ay xidheen wadooyinka waawayn ee magaalada Ambo soo gala ama kabaxa.

Kacdoonka ardayda ayaa yimid kadib markii ciidanka gacan dheerarka bartay ee wayaanuhu ay xabsiga dhigeen qaar kamid ah ardayda Jaamacada Ambo, kuwaas oo waliba jidh dil loogaystay kahor intii aan laxidhin.

Ciidanka wayaanaha oo awood dheeraad ah adeegsanaya ayaa lasheegay in ay kala eryeen ardaydii iyagoo rasaas nool kuridayay, waxaana wali kudaba jiraa khasaaraha dhabta ah ee Ambo kadhashay.

Dhinaca kale dadka shacabka ah ee Itoobiyaanka ah ayaa kubalansan in ay qaadaan olole kadhan ah kooxda talada wadanka haysata ee dadkii iyo dalkiiba lahadhay, waxayna shacabku doonayaan in ay is hortaagaan lacagaha adag ee wadanka laga saarayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay