Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegey in aysan jirin wax go’aan ah oo uu Mareykanku gaadhay oo uu kaga baxayo heshiiskii Nugliyerka Iran ee 2015.

Mattis, ayaa sheegey in ay Washington kala shaqeyneyso saaxiibbadooda Yurub haddii ay jiraan wadiiqooyin lagu xoojin karo heshiiskaasi. “Go’aan wali lama gaadhin oo ku aadan hadii dib loo qaabeyn doono heshiiskaasi si aan ugu sii jirno, ama haddii uu madaxweynuhu go’aansanayo in uu ka baxo,” sidaasi waxaa guddiga senetka u qaabilsan ciidamada u sheegey Mattis, Khamiista shalay.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo soo gaba gabeeyay safar uu Maraykanka ku joogay, ayaa Arbacadii sheegey in uu rumeysan yahay in madaxweyne Trump uu ka bixi doono heshiiskaani Nugliyerka Iran.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay