Maanta oo Jumce ah taariikhduna ay kubeegantahay 27/4/18 waxaa xerada qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab kadhacay shirkii caadiga ahaa ee faraca Midnimo ee Jaaliyada Ogadenia.

Kulanka ayaa furmay abaare 2:30pm waxaana lagu furay aayado kamid ah qur’aanka kariimka ah iyo wacdi diini ah, oo uu soo jeediyay Hogaanka Arimaha Diinta ee Faraca Midnimo, Sheekha ayaa si qoto dheer uga hadlay cabsida Allaah iyo waliba fadliga bisha ramadaan ee fooda inagu soo haysa, sidoo kale wuxuu sheekhu aad uga hadlay jihaadka iyo waajib nimadiisa.

Intaas kadib waxaa laguda galay ajandayaashii shirka waxaana bulshada loo akhriyay warbixin aad udheer oo dal iyo dibadba ah, waxaana bulshada laga haqabtiray warar badan oo ay tabayeen.

Sidoo kale maamulka faraca ayaa aad uga hadlay arimo badan oo abaabul iyo wacyi galin ubadnaa, waxaana xubnaha loosheegay waajibaadka dhabta ah ee xubinkasta looga baahan yahay.

Gaba gabadii xubnaha faraca ayaa lagu soo dhaweeyay si ay fikiradooda saliimka ah usoo gudbiyaan, waxayna xubnuhu soo bandhigeen talooyin wax ku ool ah.

ONA Dhadhaab.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay