Waxaa kulankoodii caadiga ahaa isugu yimaaday jaaliyada Ogaadeniya ee wadanka Koonfur Afrika gaar ahaana faraca Pretoria shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha Jaaliyada Ogaadeniya iyo Masuuliyiinta Jaaliyada, Shirka ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo ahayd wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah waxaana soo jeediyay Mudane Mohamed Sadiiq.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya Faraca Pretoria Halgame Xassan Daahir wuxuuna ka waramay xaalada jaaliyada Ogaadeniya gaar ahaana faraca Pritoria asagoo soo dulmaray wixii u qabsoomay faraca pretoria iyo waxa miiska u saaran ee loo baahan in la qabto.

Waxaa kale oo shirka ka qayb galay Xidhiidhiyaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Wadanka Koonfur Afrika Mudane Mohamed Daahir Colhaye oo ka war bixiyay warbixin guud oo ku saabsan xaalada halganka Ogaadeniya ee gudaha iyo dibada waxaa kale oo uu ka waramay hawlaha Jaaliyada Ogaadeniya ee Koonfur Afrika horyaala.

Intaas kadib waxaa la gudo galay la gudo galay ajandihii shirka waxaana laga dooday qodobo dhawr ah waxaa sidoo kale la is waydaarsaday fikiro badan waxaana lagu soo gaba gabeeyay shirka ugu danbayn tii si guul ah waxaana lagu balamay in lasii laban laabo kaalinta halganka Ogaadeniya ay kaga beegan yihiin Jaaliyada Ogaadeniya ee Koonfur Afrika.

ONA/Pretoria.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay