War dhiilo xanbaarsan oo hadda naga soo gaadhay wadanka Jabouti Caasimadiisa Jabouti ayaa waxay sheegayaan in gaadhi la jiidh siiyay laba wiil oo reer Ogaadeniya ah kuwaasi oo lagu kala magacaabo Axmed daahir sheekh cumar iyo Axmed xasan ibraahim.

Mahayno wali sababta dhabta ah ee wiilashan loo jiidh siiyay Gaadhiga waxaana la sheegay inay meel fadhiyeen marka  Gaadhi  la jiid siiyay,  dadkii gaadhigan watay ayaan istaagin oo socodkiisii sii watay, waxayna u ekeed xaalad ku talagal ah oo qorsheeysan.

Ma jiraan ilaa hada war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Jabouti iyo sidoo kale dad arintan loo qab qabtay waxaana sida la sheegay Laba wiil yaalaan hospital ku yaala Jabouti ayago oo xaaladooda caafimaad ay aad u liidato.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay