Taliyihii ciidammada isku dhafka ee Gobolka Mudug ayaa ku dhintay qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo, Gaashaanle Sare Cabdixukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidamadaasi militariga ah Cabdiqani Axmed Geyre. Inta la xaqiijiyay illaa seddax askeri oo kale ayaa qaraxaasi lagu dilay. Sidoo kale dad rayid ah ayaa loo malaynayaa in qaraxaasi ay ku dhinteen. Sida uu xaqiijiyay wasiirka amniga gudaha ee Puntland Axmad Cabdullaahi Yuusuf, seddax qof oo mid ka mid ah ay dumar tahay ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Wararku waxay sheegayaa in qof waxyaabo qarxa isku soo xidhay in uu ka dambeeyay. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxa. Ciidammada isku dhafka ah ayaa ah askar laga kala keenay maamullada Puntland iyo Galmudug oo si wada jir ah uga howlgala magaalada Gaalkacyo.

Waxaa loo aas’aasay xallinta Gaalkacyo sida uu sheegay wasiirka amniga Puntland. Wuxuuna tilmaamay in dambiyada ay yaraadeen tan iyo markii la aas’aasay askartan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay