Shirkii bilaha ahaa ee xubanaha jaaliyada Ogaadeniya wuxuu ka dhacay wadanka swedan shirkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaanba xubnaha jaaliyada Ogaadeniya ee Swedan shirkan ayaa waxaa lagu furay sidii caadada inoo wacdi diini ah iyo aayado quraanka kariimka ah waxaana soo jeediyay fadiilatu Sheekh Abdi Nuur.

Waxaa shirka furay gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeniya wadanka Swedan Halgame  wuxuu soo jeediyay qudbad dhinacyo taaban haysa asagoo ka waramay wax yaalihii u qabsoomay jaaliyada mudadadii labada shir u dhaxaysay sidoo kale kula dar daarmay dhamaan xubnaha adkaysi midnimo iyo iskutashi.

Waxaa sidoo kale shirka qudbad qiimo badan ka jeediyay Xildhibaan Riyaale oo kamida golaha dhexe ee jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeniya (JWXO) wuxuuna masuulku ka waramay ahmiyada uu lee yahay halganka Ogaadeniya sidoo kale loo baahan yahay in shacabka Ogaadeniya ay naf maal iyo wax walba u huraan sidii ay dhulka Ogaadeniya ku xorayn lahaayeen

Waxaa sidoo kale asaguna ka hadlay Halgame Abdinaasir Gadhwayne oo kamif ah masuuliyiinta JWXO wuxuuna xubnaha kala hadlay shirwaynihii Jahada oo lagu wado inuu dhaco dhawaan hadii ilaahay yidhaahdo, waxaa kale oo uu masuulku ka hadlay guulaha siyaasiga ee ay gaadhaan JWXO iyo loo baahan yahay shacabku sii laban laabo halganka uu ugu jiro xoriyadiisa.

Dhanka kale waxaa ka hadlay qaar badan oo kamid ahaa xubnihii jaaliyada iyo marti sharaf badan waxaana kamid ahaa xubnihii iyo martidii ka hadashay Hooyo Cibaado Axmed Nuur oo ka warantay mudadii ay halganka ku jirtay wax yaalihii ay goob jooga u ahayd ayadoo dhanka kale si wayn ugu mahad celisay jaaliyada Ogaadeniya Swedan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay usoo dhaweeyeen,.

waxaa sidoo kale asaguna ka hadlay Mohamed Amiin Sheekh Abdi Cisi oo ah wiilkii Alshahiid Sheekh Abdi Cisi asagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan in geedi socodkii halganka ee la inooga horeeyay inaan sii wadno sidoo kale ka waramay in halganka guushiisa lagu gaadhi karo oo kaliya in la si maqlo sidoo kale loo hogaan samo lana adeeco madaxda JWXO iyo masuuliyiinta halganka Ogaadeniya, amiin ayaa wuxuu dhanka kale ka waramay taariikhda halgamaagii waynaa Alshahiid sheekh Abdi Cizi in loo baahan in loo hiilyo shuhadadi Ogaadeniya oo aan ugu hiilino inaan sii wadno halgankii oo aan xaqiijino wixii ay u shahiideen shuhadadii Ogaadeniya oo dhan.

Gaba gabadii shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday jawi dagan waxaana lagu balamay in lasii laban laabo halganka iyo dagaalka gumaysiga lagu diidan yahay.

By Heegan

ONA/Sweden

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay